Sunday, September 14

Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyey soo xirtay masuuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo loo heysto eeddo la xiriira musuq iyo wax isdaba marin.

Ragga hadda xabsiga loo taxaabay ayey tiradoodu gaareysaa ilaa seddex qof, oo ka tirsanaa Banikiga dhexe iyo waaxda socdaalka jinsiyadaha.

Masuuliyiinta la xiray waxaa ku jiray qasnajigii maamulayey lacagta bankiga dhexe ee Soomaaliya ku jirto, waxaana soo galay raad weyn oo musuq.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu danbeeyey dagaal xooggan kula jirtay musuqa, waxaana dalka ka baxsaday masuuliyiin badan, kuwaas oo sida la sheegay lagu daba jiro.

Exit mobile version