Saacadihii la soo dhaafay Maamulka Somaliland ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Al Shabaab, kuwaas oo u abaabulan shabakad ahaan, isla markaana maleegayey in ay deegaanada maamulkaasi ka geystaan falal argagixisanimo.
Xubnahan ayaa lagu qabtay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana loo soo bandhigay qeybaha kala duwan ee warbaahinta.
Xubnahan Al Shabaab ka tirsan ayey tiradoodu gaareysay ilaa 7 ruux, kuwaas oo labbo ka mid ah ay haween yihiin halka seddexda kalana ay yihii rag.
Sida uu warbaahinta la wadaagay sirdoonka Somaliland xubnahaan Shabaab-ka ah ayaa ka soo safreen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ah xudunta Al-Shabaab, si ay u qal qal galiyaan amniga deegaanada Somaliland.
Warbixinta ay sirdoonka la wadaageen warbaahinta ayey ku sheegeen in labada dumarka ah ee Shabakadaan la qabtay ku jirta ay ahaayeen xaasaska labo kamid ah horjoogayaasha Al-Shabaab, waxana sida ay sheegeen ay ku raad joogeen 20 kale oo Shabakadan qeyb ka ahayd.
Si kastaba arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan la filayo in ay Somaliland ka qabsoonto doorashada maamulkaasi, oo waqtigan si aad ah loo wada sugayo, isla markaana ah mid loolan culus uu ku dheehan yahay.