Saturday, September 13

Waxaa maanta qarax gaarigiisa loogu xiray ku dhawaacmay Axmed Garaar oo ahaa xogheynta gaarka ah ee siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Gaariga ayaa markii qaraxa lala beegsanayey marayey wadada Maka Al Mukarama, waxaana ku dhaawacmay qof rayid ah oo goobta ka ag-dhawaa.

Axmed Garaar oo ka tirsan Xisbiga Wadajir, ayaa iminka lagu dabiibayaa mid ka mid ah Xarumaha Caafimaad ee Muqdisho.

Qaraxan ayaa ku soo aaddaya, xilli maalmihii la soo dhaafay uu hagaagayey amniga Muqdisho, waxaana yaraa falalka argagaxa leh ee ka dhacaya caasimadda.

Exit mobile version