Saturday, September 13

Maxamed Ibraahim oo Magaca afgarashada Khawariijta loo yaqaano (Najiib ) oo ka tirsanaa khawaariijta ayaa isku soo dhiibey Taliska Guutada 8-aad Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.

Maxamed Najiib oo Muddo 3-Sanno ah khawariijta u qaabilsanaa Jabhada , ayaa ka qayb qaatey Dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Laamu iyo Mandheera ee Dalka Kenya .

Maxamed Ibraahim ayaa Saraakisha Ciidamada Qaranka u sheegay In tababar uu ku soo qaatey Degmada Saakow ee Gobalka Jubadda Dhaxe ee Somalia, isaga oo Saaxibadiisa kale ee ku jira Khawariijta ka codsadey in ay isku Soo Dhiibaan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Exit mobile version