Friday, September 12

Howlgal Qorshaysan oo ay  Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ka fuliyeen tuulada Kuunyo Buurow oo 30-km dhanka Galbeed kaga beegan Degmada Buur-Hakaba ayaa waxaa lagu soo qabtay Xubin sare oo ka tirsan Al Shabaab laguna magacaabo Aadan Maxamed Cali Dhaayow oo muddo ka tirsanaa Al Shabaab.

Ciidamada Daraawiishta KGS oo Maalmahaan degaanno ka tirsan Gobolka Baay  ka waday Hawlgallo ka dhan ah Al Shabaab ayaa degmada Buurhakaba degaanno ka  tirsan ka bilaabay Hawlgallo lagula dagaalamayo Alshabaab.

Arintaan ayaa ku soo beegmeysa, xilli Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle uu kula dardaarmay saraakiisha qaybta 60-aad ee xoogga dalka iyo Hogaanadooda in la xoojiya Hawlgalada lagula dagaalamayo Xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan degaannada Koonfur Galbeed.

Arrintan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa xilli maalmihii ugu danbeeyey ay kordhayeen dagaalyahanada Al Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib caddaadiska dhinac cirka ee ay wajahayaan xubnaha kooxdaasi.

Exit mobile version