Monday, October 27

Gudaha dalka, waxaa si joogto ah loo qoraa dhallinyaro Soomaaliyeed, kuwaas oo ku biiraya Ciidamada xoogga dalka, waxaase soo if-baxaya in ciidamadaasi ay ku jiraan xubno daacad u ah Al Shabaab oo ku milan ciidamada intiisa kale, iyadoo qaarkoodna gacanta lagu dhigay.

Si loo fashiliyo yoolka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa ay kooxdu billawday bilihi u danbeeyey in dagaalyahanadooda ay u soo diraan gudaha Muqdisho, si ay uga mid noqdaan dhallinyarada ay dowladdu u qoraneyso ciidamada.

Sida ay sheegayaan xogaha ay heshay Hortabin Media , Al Shabaab waxa ay Muqdisho usoo dirtay bilihii ugu horreeyey sanadkan, dagaalyahano iyaga ka tirsanaa kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 667- wallow tiradu ay intaas ka badan karto, misana raggan ayaa ku biiray ciidamo la qorayey oo isugu jira Milatari iyo Boolis, waxaana jira tiro kooban oo Nabad Sugida ku qarsoon, kuwaas oo awoodoodda helida xogaha ay kooban tahay.

Xubnahan Al Shabaab ay ku dhex qarisay Ciidamada Dowladda, waa kuwo koox koox isku waji yaqaanna, waxeynu kooxdu ka ilaalisay in ay is bartaan in ka badan 10 qof, taas oo keeni karta in haddii shaqsi la qabto, uu fashiliyo dhamaan xubnaha Al Shabaab ee ku jira ciidamada Dowladda.

Adeegsiga taleefanada  gacanta iyo Internet-ka oo ciidamada furimaha ku jira awood loo siiyey, waa tan kordhisay weerarada rogaal celiska ee ka imaanaya Al Shabaab, maaddaama ay fariimo ka helayaan kuwa ugu dhex jira Ciidamada Dowladda.

Tan iyo bilawgii sanadkan keliya, Al Shabaab waxey dib u soo weerareen lix goobood oo laga qabsaday, waxaana weerarkoda uu ku soo aaddayey xilli ay kala daadsanaayeen ciidamada, taas oo dhalisay khasaaare baaxad leh oo soo gaaray ciidamadii saldhigyadaasi ku sugnaa.

Weeraradii ay Al Shabaabku ku soo qaadeen Saldhigyadii ku yaallay, Janaay Cabdalla, Galcad, Ruun-nirgood, Hilowle Gaab iyo Bud Bud, waxey ahaayeen kuwii ugu halista badnaa ee ay soo hoggaamiyaan xubnahan Al Shabaab daacada u ah ee ku qarsan ciidamada Dowladda.

Arrinta ugu naxdinta badan ayaa noqotay, markii bishii February dabayaaqadeeda gacanta lagu dhigay Sarkaal ka tirsan ciidamada danab, kaas oo baaritaan la sameeyey lagu oggaaday inuu kaalin weyn ku lahaa weerarkii lagu qaaday 20-kii Janaayo ee sanadkan, saladhigii Galcad, halkaas oo saraakiishii lagu dilay uu ka mid ahaa, taliye ku-xigeenkii guutada Danab ee ciidamada xoogga dalka Xasan Maxamed Cusmaan oo loo yaqaanay (Xasan Tuur).

Mareykanka oo tababaro guutadan ka tirsan ciidamada dowladda, ayaa baaritaan dhab ah ku sameeyey arrintan iyo sababaha waqtigaasi ku soo beegay, wuxuuna taleefanada ciidamadii goobta joogay ku xiray qalab uu ku oggaan karo dadka ay xiriirka la sameynayaan, waana tan keentay in sarkaalkan gacanta lagu soo dhigo, isagoo iminka ku xiran Saldhiga ciidamada Danab ay ku leeyihiin Deegaanka Ballidoogle.

Sarkaalka la qabtay oo lagu magacaabo Mucaawiye Cumar Cismaan, ayey darajadiisu tahay laba xidigle, iyadoo sidoo kale xoguhu ay tilmaamayaan inuu fashiliyey xubno kale oo ay Al Shabaab iskala tirsan yihiin, oo tiradooda lagu sheegay 7-qof, oo kala jooga saldhigyo kala duwan, haba u badnaadaan goobihii ay ka dhaceen weerarada rogaal celiska ahaa.

Weeraradaas rogaal celiska ee Al Shabaab ka imaanayey oo lagu dilay ciidamo badan, laguna furtay hub iyo gaadiid, ayaa waxaa shacabka ka daahsoon in nolol lagu watay ciidamo ka tirsan dowladda oo tiradoodu kor u dhaafeyso 30- askari, oo ilaa maanta aan raq iyo ruux lagu heynin.

Ciidamadan oo u badan dhallinyaro aan dhul mar ahayn, wax badana ka aqoon deegaanada la isku hor fadhiyo, ayaa waxaa marin habaabiyey xilligii ay baxsanayeen rag ay saaxiibo moodeen oo ay iskala tirsanaayeen ciidamada, balse ah labo shaatilayaal Shabaab daacad u ah, kuwaas oo u gacan geliyey qeyb ka mid ah Al Shabaabki weerarka soo qaaday, oo sugayey firxadka ciidamada dowladda.

Qubbarada ku xeeldheer arrintan ayaa soo jeedinaya, in dowladda Soomaaliya iyo dowladdaha taageera, ee qoraya ciidamada, in ay xaqiijiyaan kalsoonida dhallinayrada ay ciidamada u qorayaan, waxaana lagama maarman ah in ahmiyad la siiyo raadinta xogaha kuwa la qorayo, lana helo taleefanada eheladooda, si wax badan looga oggaado heerarkii noloshooda iyo dadkii ay la macaamileen.

Isha: Hortabin Media 

Exit mobile version