Friday, September 12

Xog ay heshay warbaahinta Hortabin Media, Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa gacanta ku dhigay qaraxyo xooggan oo loo soo waday gudaha Muqdisho,

Hay’adda ayaa labo cisho ka hor qabatay labo baabuur oo caasi ah, kuwaas oo ay ka buuxaan qaraxyo xooggan, oo la damacsanaa in laga fuliyo Magaalada Muqdisho,

Ciidamadu waxey sidoo kale soo qabteen raggii la socday gawaaridaasi, oo tiradooda lagu sheegay ilaa 7 ruux, waxaana weli la weydiinayaa su’aallo la xiriira falka lagu soo qabtay.

Dowladda ayaa qorsheyneysa in raggaasi ay warbaahinta u soo bandhigto maalmaha soo socda, waana tallaabo loo qaaday xaga sugida amniga Muqdisho, oo maalmihii ugu danbeeyey amnigeedu soo hagaagayey.

Nimankan waday gawaarida qaraxyada ayaa laga soo qabtay degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, halkaas oo garaash ku yaalla ay qaraxyada ku soo farsameeyeen.

Waxaa sidoo kale Hay’adu la wareegtay garaashkii qaraxa lagu farsameynayey iyo guryo ka agdhawaa oo ragaasi daganaayeen mudooyinkii ugu danbeeyey.

Waxaa aad u adkaatay in gudaha Muqdisho la soo galiyo qarax, waxaana taa baddelkeeda iminka qaraxyada lagu farsameeyaa degaanada ku dhaw caasimadda, waana qorshe cusub oo ay Al Shabaab soo kordhiyeen toddobaadyadan 

Exit mobile version