Saturday, September 13

Xukuumadda Soomaaliya ayaanan ilaa iyo waqtigan magacaabin Wasiirka joogtada ah ee wasaarada arrimaha dibadda, xilli dalka uu ku jiro xaalad diblomaasiyadeed oo qalafsan.

Dabayaaqadii bishii December ee sanadkii tagay ayey ahayd markii uu is casilay Wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse, kaas oo isku casilay sababo la xiriira inuu u loolamo xilka madaxtinimo ee maamulka Puntland, wallow uu ka mid noqday siyaasiyiintii doorashadii dhawaan Garoowe ka dhacday, ku hungoobay in ay ku guuleystaan kursiga ugu sareeya Puntland.

Is-casilaadiisa oo laga joogo muddo labbo bilood ah weli Wasaarada arrimaha dibadda looma magacaabin wasiir joogta ah, oo dhaqaajiya waajibkaadka horyaalla Xafiiskaasi, waxaana xilkaasi ilaa waqtigan ku sime-ahaan xafiiska u jooga Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibadda Cali Cumar Cali Balcad.

Warbaahinta Hortabin Media oo u kuurgashay sababaha ilaa waqtigan aanan loo magacaabin Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa ogaatay xogo ku aaddan arrintaasi, waxaana sida aan ka soo xiganay xubno ku dhaw Madaxtooyada ay inoo xaqiijiyeen in kursigani la doonayo in lagu qanciyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni, oo ay xurguf wiiqday xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe ay kala dhaxeyso Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh oo aanan ku kalsooneyn in siyaasiyiinta kursi doonka ah ay xaliyaan khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa Madaxweynayaashii hore ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ka diiday isku soo dhaweynta Villa Soomaaliya iyo hoggaanka Puntland, waase mid door bidaya in isaga oo qura uu ku filnaado dib usoo celinta xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe, waxaana lagu wadaa inuu dhawaan safar ku tago Garoowe, si uu ula fariisto Deni.

Madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni ayaanan ku qanacsaneyn dowladda uu majaraha u hayo Xasan Sheekh, waxaana khilaafka uu ka dhashay magacaabistii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, oo uu Saciid Deni daneynayey in ay isaga dhankiisa ka timaado ama laga tala galiyo, waxaana sida la rumeysan yahay go’aankii uu Xasan Sheekh ku xushay Xamse Cabdi Barre uu kala fogeeyey labada nin oo jaal ahaa doorashadii uu ku soo baxay 15-kii May 2022 ee uu ku soo baxay Xasan Sheekh.

Sida xoguhu sheegayaa xilligan Madaxweynaha ayaa qorsheynayaa inuu xaliyo tabashada uu qabo Saciid Deni, isla markaana uu ku qanciyo kursiga Wasaarada arrimaha dibadda, taas oo Saciid Deni u madax bannaaneysa inuu jagada wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku fariisiyo cidii uu doono, maddaama uu qeyb ka yahay masuuliyiinta beesha kursigan iska leh  marka la eego nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya.

Lamo ogga waqtiga ay qaadaneyso arrintan iyo sida loogu qancin doona Saciid Cabdulaahi Deni, oo iminka wax kalsooni ah aan ku qabin Madaxweynaha talada haya, kuna dhaliilsan arrimo fara badan, oo ay ka mid tahay howlaha qabyo tirka dastuurka KMG ah, oo waqtigan  horyaalla Barlamanka Soomaaliya.

Sida la ogsoonyahay Wasaarada arrimaha dibadda ayaa ah waqtigan tan loogu baahi badan yahay, waxaana dalka uu ku jiraa xaaladdo dibmlomaasiyadeed oo cakiran, kuwaas oo u baahan dhiiranaan, go’aan qaadasho iyo in si dhab ah loo wajaho umuuraha is diidan ee gobolka ka soo cusboonaaday sida xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya.

Si kastaba waxey qubarada bartay siyaasadda arrimaha dibadda ay ka digeen in kursigan shaqsi gaar ah lagu raalli galiyo, sababo la xiriira marxalada uu dalku ku jiro, waxaana sida ay ku talinayaan lama huraan ah in masuulka Wasaarada loo xulayo uu noqdo shakhsi aqoon u leh arrimaha diblomaasiyada kaas oo ka soo dhalaali kara waajibaadka dastuuri ee horyaalla, isla markaana xoojin kara xiriirka Soomaaliya iyo caalamka, dunida-na u bidhaamin kara xadgudubka madax bannaanida dhuleed ee ay Soomaaliya wajaheyso, oo waqtigan xal deg-deg ah u baahan inta aanu gobolku colaad hor leh cagaha la galin, taas oo fursad siin karta ururada xagjirka ah.

Exit mobile version