Sunday, December 21

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto-dheer uga hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya & Shiinaha, ka faa’iidaysiga maalgelinta Beijing ee Afrika, xal u helista abaaraha & ku nacfinta Dhulka Beeraha ku wanaagsan ee Dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa Shiinaha uga mahadceliyay cilaaqaadka waqtiga fog kala dhaxeeya ee Soomaaliya, waxa uu tilmaamay in 65 sano uu jiro xiriirka labada Dal in Xukuumadda Beijing ay ilaalisay midnimada & wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Shiinaha & Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah ilaa 65 sano ah, waa dalkii Soomaaliya ka caawiyay 70-meeyadii ilaa 80-meeyadii abuurka Bariiska, waxa uu sidoo kale ka gacansiiyay ka faa’iidaysa Khayraatka Badda,” ayuu yiri, MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in shirkadaha kala duwan ee dalka ka howlgalla iyo dhammaan qalabka elektarooniga ah ee waddanka laga adeegsado in 100% laga keenay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, taasina ay ku tusineyso sida uu dalkaas suuq furan ugu yahay Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu haatan marayo heer bisayl ah, isla markaana labada dal ay ka wada shaqeynayaan sidii loo sii xoojin lahaa loona horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, si uu u noqdo mid wax ku ool u ah labada shacab.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu maalmihii la soo dhaafay weerar ba’an iyo aflagaaddo joogto ah ku hayay Soomaalida, asagoo ku tilmaamay in dal ahaan faa’iido dhaqaale u lahayn Mareykanka.

Exit mobile version