Thursday, September 11

(Hortabin Media) – Sanadihii ugu danbeeyey waxaa xoogeysanayey xiriirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea, tan iyo markii ay kaalin ka geysatay tababarka ciidamo Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Labada dal ayaa si qoto dheer isku fahmay, waxaanay markaan muujinayaan iskaashi dhinacyo kala duwan leh, taas oo shaki ku abuurtay dalalka geeska.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay taariikhda u dirtay waddanka Eritrea, waxaana loo magacabay Cumar Idiris, oo horey u ahaa Safiirka Qatar.

Danjire Cumar Idiris ayaa waxaa waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Jimcihii lasoo dhaafay madaxeynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki.

Xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea ee xoogeysanaya ayaa sida la aaminsan yahay saameyn doona arrimo kala duwan, kuwaas oo sida la tuhunsan yahay ay dhinacyadu heshiisyadooda dib u dhiganayaan, waxaana ka mid ah heshiisyo la xiriira dhinaca ganacsi, kuwaas oo sida la rumeysan yahay dhawaan dhaqan gali doona.

Exit mobile version