Friday, September 12

Saacadihii ugu danbeeyey waxaa kordhay xiriirka uu Madaxweyne Xasan Sheekh la sameynayo madaxda caalamka, kadib damacii waalnaa ee Itoobiya ku dooneysay in ay ku hanato qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa la xiriiray Madaxweyne Kuxigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell, isagoo uga mahadceliyey mowqifka adag ee Midoowga Yurub ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in Ururrada heer gobol iyo heer qaaradeed ay ku adkeynayaan xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xiriir la sameeyey Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogan, wuxuuna isna uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuiyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay muhiimadda ay caalamka u leedahay xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyagoo xoojiyey doorka walaalaha Turkigu ay ka qaadanayaan dib u dhiska iyo dowladnimada Soomaaliya.

Exit mobile version