Friday, September 12

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay shir ku yeeshay 71 Xildhibaan oo ka kala tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya , kuwaas oo diiday wax ka bedelka Dastuurka’ iyagoo sheegay in qorshaha socda dadka iyo dalka lagu kala fogeynayo.

Xildhibaanada iyo Senatorrada xalay shiray ayaa muujiyay in Hawsha  socota ee wax ka bedelka dastuurka aysan qeyb ka noqon doonin, iyagoo ka digay sida ay wax ku socdaan farriinta u diray madaxweynaha, xukuumadda iyo guddoonka Baarlamanka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay shirka xildhibaanada ayaa lagu sheegay in heshiiskii lagu go’aamiyey in dastuurka wax laga bedelo ee golaha wadatashiga qaranka uu ahaa mid aan loo dhameyn oo Puntiland ay ka maqantahay.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad  iyo Senitor Maxamed yuusuf  Gaagaab oo Hogaaminayay Xildhibaanada shirka ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay kulanka, iyagoo sheegay in aysan ku taageereyn Madaxweyne Xasan Sheekh, Wax ka bedelka Dastuurka, waxayna ugu baaqeen in uu ka leexdo dhabaha uu ku socdo ee wax ka baddelka Dastuurka.

Exit mobile version