Monday, October 27

Sabti 22/10/2022 – Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka gaar ahaan kuwa laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala soo gaaro deegaanada laga saaray argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaanadan ayaa tilmaamay in ay jiraan baahiyo badan oo ay sababeen abaarihii ka dhacay deegaanadan kuwaas oo cadawgu muddo dheer ka talinaayay, baahiyahaas waxaa ka mid ah raashiin la’aan, biyo la’aan iyo daawo la’aan oo ay sababeen cunaqabateyntii kooxda AS ay shacabka ku hayeen ayagoo ka qaatay wixii xoolo iyo hanti ay haysteen.

Inta badan deegaanada laga saaray Al-Shabaab ayaa waxaa ka mid ah qeybo badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo deegaano kale oo badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaaladan ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka.

Omar Abdirashid, Muqdisho

Exit mobile version