Saturday, September 13

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Kulanka waxaa soo xaadiray 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Tallaabada ay maanta qaadeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa imaaneysa, iyadoo Dawladda Soomaaliya  Dagaal diblumisaasiyadeed ay kula jirto dawlada Itoobiya oo ku soo xadgudubtay Madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa keeni kara in aan loo cabsan biyaha Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya loo dhiso ciidamo bad oo adag, kuwaas oo la wareego ilaalinta xeebaha dalka Soomaaliya.

Exit mobile version