Sunday, September 14

Xildhibaanada labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xisaab xirka miisaaniyad sanadeedkii 2022-ka, kaas oo ay golaha hor keentay wasaarada maaliyada, waxana ay soo martay maraaxilada kala ah aqrinta koowaad, labaad iyo tan seddexaad.

Xoghayaha guddiga maaliyada ee labada aqal Senator Cabdul qaadir Xuseen ayaa ugu horeyn barlamanka ka hor aqriyey warbixinta xisaab xirka miisaaniyad sanadeedka 2022, waxana uu codsaday in xildhibaanadu ay meel mariyaan.

Intaas kadib waxaa cod gacan taag ah loo qaaday meel marinta  xisaab xirka miisaaniyad sanadeedka 2022-ka, waxaana natiijada ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka koowad ee Balramanka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka labada aqal maanta shir guddoomineysay.

Ansixinta misaaniyada ayaa waxaa ka mahad celiyey wasiirka maaliyada Xukuumada Soomaliya Biixi Iimaan cige, kaas oo sheegay in xildhibaanadu ay guteen waajib qaran.

Exit mobile version