Monday, September 15

(Hortabin Media) – Maalmihii ugu danbeeyey inta badan xubnaha Barlamanka Soomaaliya ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka, iyagoo halkaasi qaarkood kula hadlay warbaahinta.

Xildhibaanadan ayaa wado qorshe ay ku baraarujinayaan beelaha ay ku matalaan Barlamanka, waana kuwo wada abaabul aad u fara badan.

Shacabka qaarkood ayey arintan la noqotay filan waa, maaddaama Barlamanadii hore ay adkeyd in ay ku dhaqaaqaan tallaabooyin noocan oo kala ah, waxeyna ku suntanaayeen kuwo mushaarkooda oo qura ilaashada.

Tallaabadan Barlamankan ee ku aaddan ka qeyb galka dagaalka Al Shabaab, ayaa dhiira gelin u noqoneysa ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo sanado badan aanan arkin madax dadaal ugu jirta waxyaabo muhiim u ah bulshada.

In Tallaabada uu Barlamanku qaado ayey dadka qaar sheegayaan in ay ugu wacan tahay, kaalinta muga leh ee uu Madaxweynuhu iska saaray dagaalka Al Shabaab, isagoo muddo labbo bilood ku dhaw ku sugan Dhuusamareeb oo uu dagaalka ka hoggaaminayo.

Exit mobile version