Sunday, September 14

Xildhibaan Cismaan Xaadoole ayaa ka hadlay Al Shabaab soo buux dhaafiyey maanta degmada Balcad, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kooxdan uu qorshaheedu yahay sidii ay u dhibaateyn lahaayeen dadka rayidka ah, wuxuuna soo hadal qaaday gaarigii ay maanta gubeen.

Xildhibaankan oo ka mid ah kuwa laga soo doortay Hirshabelle ayaa maamulka ugu baaqay in ay isku diyaariyaan sidii Al Shabaab looga saari lahaa dhamaan deegaanada Hirshabelle.

Al Shabaab ayaa sanadihii ugu danbeeyey dhibaato xooggan ku hayey deegaanada Hirshabelle, inkastoo kooxda laga saaray dhul badan oo ay Hirshabelle kaga sugneyd, hadana waa kuwo weli soo qaado weeraro rogaal celis ah.

Exit mobile version