Sunday, September 14

Xildhibaanada labada aqal ee Barlamanka Soomaaliya ayaa maanta si weyn u taageeray Xildhibaan Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aaden, oo sheegtay in ay musharax u tahay qabashada xilka Gudoomiyaha Midawga Afrika, kaas oo doorashadiisa la qaban doono bisha February ee 2025-ka.

Xildhibaan Shariif maxamed oo barlamanka ka hor hadlay ayaa codsaday in Xildhiban fawsiyo lagu garab galo, hankeeda ku aaddan qabashada xilkaasi, isagoo xusay inuu aamisan yahay in ay masuuliyadaasi ka soo dhalaali karto

Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aaden ayaa danbeynti xubnaha labada aqal u sheeegtay muhiimada ay qabadahsada jagadaasi Soomaaliya u leedahay iyo sida ay iyadu ugu diyaarsan tahay qibrad ahaan.

Midawga Afrika, waxaa la aas aasay 1963-dii, waxaase 1999 laga dhigay urur caalami ah, si uu ula tartamo ururada midawga Yurub oo kale ah, waxaana xusid mudan in Soomaaliya aanay waligeed hoggaan u noqon ururkan, taas oo fursad siin karta xildhibaanada.

Exit mobile version