Monday, September 15

(Hortabin Media) – Heer aad u xun ayuu waqtigan marayaa khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid.

Labdan Masuul ayaa isku haya arrimo la xiriira hoggaanka maamulka, waxaana khilaafka uu ka billawday markii Madaxweyne ku xigeenka Cali Daahir Ciid, uu soo saaray qoraal uu shaqada kaga joojinayo wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, isagoo ku eedeeyey inuu xagal daacinayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Qoor-Qoor ayaa buriyey ama joojiyey warqadii Madaxweyne ku xigeenka, taas oo sababtay in khilaafku uu cirka isku shareero, isla markaana lagu guuldareysto in xal loo helo.

Khilaafkan wuxuu cuuryaamiyey wada shaqeyntii ka dhaxeysa hay’adaha maamulka Galmudug, waxaana kala qeybsamay xubnaha Barlamanka, oo labada dhinac la kala saftay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Galmudug, ayaa kaalin weyn ka qaadanaya waqtigan xalinta khilaafkan, isagoo isugu yeeraya labada nin ee is haya.

WQ: Ayaanle Qoyste 

Exit mobile version