Waxa muddooyinkii dambe isa soo taraysay xiisadda colaadeed ee soodinta gobollada Waqooyiga Itoobiya ee Tigreey iyo Amxaara, waxana in muddo ah socday abaabul ciidan oo ay dhinacyadu wadeen. Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa ay, haddaba, xaaladdu isu beddeshay iska-hor-imaadyo hubaysan oo goos-goos ah. Isbeddelladan ayaa muujiyay nuglaanta nidaamkii amniga ee ka dhashay Heshiiskii Nabadda ee Pretoria ee la saxeexay bishii Noofambar 2022, waxayna dhacdooyinkani dib u soo hurinayaan mid ka mid ah colaadaha ugu murugsan ee hannaanka siyaasadeed ee Itoobiyada casriga ah.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa cutubyo ciidan oo dheeraad ah geysay aagga u dhow daanta koonfureed ee webiga Tekeze, halkaas oo ay ku jiraan ciidamo kuwa lugta ah oo ay taageerayaan gaadiidka dagaalka, iyadoo xoojisay baraha indha-indheynta iyo difaacyada hore ee aaggaas.
Dhankooda, ciidamada gobolka Tigree ayaa iyaguna xoojiyay joogitaankooda ciidan ee daanta kale ee webiga, iyaga oo geeyay cutubyo hore qayb ahaan uga baxay ka dib heshiiskii nabadda ee ay la gaadheen dawladda Federaalka. Abaabulladan ciidan ayaa dhacay xilli ay jirto kalsooni-darro qoto dheer, isla markaana aanu jirin hab qeexan oo lagu xakameyn karo iska-horimaad toos ah.
24-kii iyo 25-kii bishan, waxa aaggaas ka dhacay iska-hor-imaadyo hubaysan oo kooban, kuwaas oo isugu jiray rasaas is-dhaafsi iyo adeegsiga hubka fudud iyo midka dhexe ee qaybo ka mid ah furinta u dhexeysa labada dhinac. In kasta oo iska-hor-imaadyadu aanay isu beddelin dagaal ballaadhan oo aan la isu adeegsan hubka culus, haddana waxay ka dhignaayeen iska-hor-imaadkii ugu horreeyay ee toos ah oo heerkan oo kale ah muddo dheer, waxayna muujiyeen in xaaladda ka jirta deegaankaasi ay hadda u dhowdahay in ay qaraxdo.
Labada dhinac midkoodna kama soo saarin bayaan rasmi ah oo faahfaahsan oo ku saabsan khasaaraha, in kasta oo ilo wareedyo deegaanka ahi ay sheegeen in dhaawacyo koobani dhaceen iyo in si kumeel-gaadh ah loo joojiyay dhaqdhaqaaqa dadka rayidka ah ee dhowr tuulo oo u dhow webiga.
Xiisaddan ayaa salka ku haysa muran xuduudeed oo soojireen ah oo u dhexeeya gobollada Tigree iyo Amxaara, gaar ahaan aagga lagu muransan yahay ee Welkayt, Tsegedi, iyo qaybo ka mid ah aagga Raya. Dhulalkan ayaa muddo tobannaan sano ah ahaa ubucda muran siyaasadeed iyo mid maamul, ka hor inta aanay isu beddelin goobo lagu dagaallamo gacan-ku-hayntooda ciidan intii uu socday dagaalkii 2020–2022. In kasta oo Heshiiskii Pretoria uu si rasmi ah u soo afjaray dagaalkii u dhaxeeyay dawladda federaalka iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigree (TPLF), haddana wuxuu ka tegay arrinta xuduudaha gobollada gudaha iyaga oo aan la xallin, waxanu dib ugu dhigay in loo raaci doono hannaan dastuuri ah iyo mid siyaasadeed oo mustaqbalka ah kuwaas oo aan ilaa hadda hirgelin.
Ka sokow murannada dhulka, hirgelinta gaabiska ah ee heshiiskii nabadda ayaa ah qodob muhiim ah oo dib u soo celinaya xiisadaha.

