Tan iyo isniintii markii uu qaraxa ka dhacay Kulliyadda Jaalle Siyaad, waxey xiisad ba’ani ka taagan tahay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaraxaasi oo uu isku soo xiray qof naftii halige ah, ayaa ciidamada ku geeriyooday ama kuwa ku dhaawacmay waxaa u badnaa hal heel, waana arrinta carrada dhalisay.
Shacabka Marka oo careysan ayaa maalmahan dhigaya dibadbaxyo is xig xiga, oo ay uga soo horjeedaan dowladda, iyagoo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha xafiiska jooga.
Shacabka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa qorshe ku tala gal ah oo loo maleegay ciidamadaasi, waana kuwo masuuliyada arrintaasi dusha uga tuuraya madaxda sare ee dalka.
Barlamanka Soomaaliya oo shalay ka hadlay qaraxii ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad, ayaa dalbaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidii ka danbeysay qaraxaasi iyo waxyaabihii fududeeyey.
Isniintii aynu ka soo gudubnay ayey ahayd markii nin isku soo xiray walxaha qarxa uu isku miidaamiyey ciidamada ka tirsan guutada 14 October ee ciidamada xoogga dalka, waxaana sida xoguhu sheegayaan kiiskaasi u xiran rag ka tirsan ciidamada dowladda oo darajooyin kala duwan leh.