Saturday, September 13

Xiisad dagaal ayaa shalay iyo maanta ka taagan deegaanka Yaaq-bariweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay daraad ku dagaallameen ciidamo ka socda Koonfur Galbeed iyo kuwa deegaankaas ka soo jeeda.

Xiisadan ayaa cabsi ku abuurtay dadka deegaanka oo qaarkood billaabay in ay guryahooda ka barakacaan, waxaana macquul ah in xilli kasta uu dagaalku billawdo.

Dagaalkii daraad ka dhacay Yaaq-bariweyne ayaa geystay khasaare kala duwan, waxaana dagaalkaasi ku geeriyooday dad gaaraya 15-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 20 ruux.

Dadka dagaalkaasi ku dhinta iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira dhinacyadii dagaallamayey iyo dadka deegaanka, waxaana dagaalkii daraad uu socday saacado badan, iyadoo dhinacyadii dagaallamayey ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaanan weli ciidamo u dirin Yaaq-bariweyne, si ay u kala dhex gasho dagaalka u dhaxeeya ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa deegaanka, taas oo xaaladda sii cakireysa.

Exit mobile version