Xiisad dagaal oo aad u xooggan ayaa saakay ka ooggan gobolka Galgaduud, gaar ahaan aagga koonfureed ee Barkada Ina jirow.
Xiisadan ayaa u dhaxeysa labada beelood oo walaalo ah, waana kuwo isku heysta dhul ku yaalla aagga Koonfureed ee Barkada ina Jirow.
Dadka degaanaka ayaa ka barakacay halkaasi, sababo la xiriira in ay macquul tahay in xilli walba uu billawdo Dagaalka.
Barkadan agagaarkeeda waxaa sanadkii 2022-kii ku dagaallamay beelahan, waxaana dagaalkaasi uu noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee aggaasi ka dhacay, iyadoo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 200 oo qof.
Gudaha dalka Soomaaliya waxaa joogta ka noqday dagaal beeleedyada u dhaxeeya beelaha Soomaaliyeed, kuwaas oo inta badan geysta khasaare aad u fara badan, waxaana kooban masuuliyada ay dowladdu iska saareyso xalinta khilaafaadka u dhaxeeya beelahaasi.