Monday, September 15

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in Xiisad dagaal ay ka taagan tahay gobolkaas.

Xiisada  ayaa u dhexeysa Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa SSC Khaatumo oo isku heysta gacan ku heynta gobolka Sool.

Somaliland ayaa  Ciidamo iyo Gaadiid dagaal keentay gobolka Sool, halka SSC Khaatumo iyana Ciidamo ay geysay Aagga Ciidankoda ay ka jogaan duleedka gobolka Sool.

Dadka Degaanka ayaa ka cabsi qaba in dagaal markale Ciidamada Soomaaliland iyo SSC khaatumo uu halkaasi ku dhexmaro.

Si kastaba , arintaan ayaa imaaneysa Xilli Soomaaliland ay ka carootay markii dawlada Federaalka Soomaaliya ay si KMG ah u Aqoosatay SSC Khaatumo  taas oo ay Soomaailand ka carootay kuna hanjabtay in ay dib u soo cewshin doonto Xuduudaheeda gobolka Sool.

Exit mobile version