Saturday, September 13

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka qarxay deegaanada Faryar iyo Laasbuur oo u dheexaya Gaalkacyo iyo Cadaado, sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal halkaasi ku sugan

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo muran dhul oo u dhexeeya beelo walaalo ah oo ka soo kala jeeda magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado.

Dagaalka ayaa sababay khasaaro nafeed, iyadoo la soo warinayo dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinac soo kala gaaray, inkastoo tirada rasmiga ah ee khasaaraha aan weli si la shaacin.

Xogaha ayaa sidoo kale tilmaamaya in xiisadda ka dhalatay muranka dhulka ay mudooyinkii dambe sii kordhaysay, taasoo ugu dambeyntii sababtay in labada beel hubka isku qaataan.

Maamulka Galmudug ayaa durba bilaabay dadaallo nabadeed oo lagu doonayo in colaadda lagu joojiyo iyo in xal waara laga gaaro muranka dhulka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ayaa ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda, si looga hortago dhiig kale oo daata. Waxay sidoo kale isku dayayaan inay dhex-dhexaadiyaan beelaha diriraya si loo helo heshiis buuxa oo nabadeed.

Colaadaha ku saleysan muranka dhulka ayaa ah caqabad soo noqnoqota oo saameyn weyn ku leh gobolka Galgaduud, iyadoo dadaallada nabadda mararka qaar waqti badan qaataan in xal rasmi ah lagu gaaro.

Exit mobile version