Monday, September 15

(Hortabin Media) – Cabsi xooggan ayaa waqtigan ka taagan deegaano ka tirsan maamulka Galmudug, halkaas oo ay ka aloosan tahay xiisad dagaal.

Xiisada dagaal oo u dhaxeysa labbo maleeshiyo beeleed, ayaa maalmihii ugu danbeeyey halkaasi ka taagneyd, waxaana gudaha Dhuusamareeb dhowr qof loogu dilay aanno qabiil.

Dadka rayidka ee ku sugan goobaha ay ka taagan tahay xiisadan colaadeed ayaa isaga barakacay aqaladooda sababo la xiriira cabsida laga qabo inuu halkaasi dagaal ka billawdo.

Ilaa iyo hadda maamulka Galmudug ayaa ka aamusan xiisada beeleed ee ka aloosan deegaanada uu ka arrimiyo, taas oo keeni karta in khasaaraha uu baaho.

Dagaal beeleedyadan ayaa geesta kale, saameynaya gulufka dagaal ee looga soo horjeedo Al Shabaab, waxaana kooxda ay u arkaan fursad, maddaama caddaadiska dagaal uu ka yaraanayo.

Exit mobile version