Ciyaaryahanka kooxda Paris Saint-Germain Neymar da Silva Santos Junior ayaa lagu wadaa in bisha October maxkamad lagu soo taago magaalada Barcelona eedeymo la xiriira musuqmaasuq lagu helay.
Shirkadda DIS oo qayb ahaan lahayd qaar ka mid ah xuquuqaha suuqa kala iibsiga ee Neymar ayaa sheegtay in ay heleen lacag ka yar intii ay xaqa u lahaayeen sagaal sano ka hor, iyaga oo intaa ku daray in ay xaq u leeyihiin boqolkiiba 40 lacagtaas oo ku dhow $58.5 Milyan.
Maxkamadda ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay hor yimaadaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweynayaashii hore ee naadiga Barcelona Sandro Rossell, Josep Maria Batomeu, maareeyihii hore Odilio Rodrigues iyo waalidiinta Neymar.
In kastoo Neymar iyo mas’uuliyiinta kale ay iska fogeeyeen dhammaan eedaymaha loo haysto, hadana maxkamadda sare ee Spain ayaa diiday codsi racfaan taas oo ku khasabtay in ay hor yimaadaan maxkamadda.