Monday, September 15

(Hortabin Media) – Xafiiska xeer ilaalinta ayaa maxkamada gobolka Banaadir u gudbiyey dacwad uu ku soo oogay 6 sarkaal oo la tirsan xafiiska canshuuraha beriga ee degmada Wartanabadda.

Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud raggan ayaa ku eedeysan denbiyo ay ka mid yihiin sameynta Documents been Abuur, qaadasho laaluush iyo ku takri-fal awoodda xafiisyo dowladeed

Xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa maxkamada gobolka Banaadir la wadaagay magacyada raggan, oo dhamaantood ka shaqeeya xafiiska canshuuraha beriga ee degmada Wartanabadda, waana kuwan magacyadooda iyo masuuliyadaha ay hayaan.

Cabdi Maxamed Diirshe oo ahaa maamulaha xafiiska canshuuraha berriga wasaaradda maaliyadda ee degmada Xamarjajab, horayna u soo ahaa madixii xafiiskaas ee degmada Wartanabadda.

Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim maamulihii xafiiska canshuuraha berriga wasaaradda maaliyadda ee degmada Wartanabadda, Cabdulqaadir Maxamed Cali, Qasnajigii canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda, Maxamed Ibraahim Xuseen, Kaaliyihii xafiiska qasnajiga canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda.

Xasan Maxamed Cali, oo ahaa Hubiye xafiiska canshuuraha berriga wasaararadda maaliyadda ee degmada Wartanabadda iyo Xidigle Isaaq Xasan Macalin, oo ahaa Taliyaha laanta ilaalada canshuuraha berriga ee ciidanka booliska u joogay degmada Wartanabadda.

Mudooyinkii ugu danbeeyey dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jirtay masuq maasuqa, waxaana kuwo la soo eedeeyey badankood ay ka soo hor muuqdeen maxkamada gobolka, walow ay dacwadooda weli socoto.

WQ: Ayaanle Qoyste

Exit mobile version