Thursday, September 11

Hortabin Media ayaa booqatay Xeebta Abaay Dhaxan ee Degaanka Jazeera oo 20 km caasimada Muqdisho kaga beegan dhinaca Koonfureed.

Xeebta Abaay Dhaxan oo ah goob aad u qurux badan, waxey mudooyinkii ugu danbeeyey kasbatay quluubta, Boqolaal Soomaali ah, kuwaas oo si joogta halkaasi ugu dalxiis taga.

Adeegyada muhiimka ah ee ay Abaay dhaxan ka hirgaliyeen qurba joogta dalka ku soo gurya noqotay, ayaa u dub dhexaad u noqday in dadka ay soo camiraan Xeebta, waxaana bulshada howlaha dalxiiska u fududeeya oo xiiso gaar ah ugu yeela qalabka dabaasha ee lagu soo kordhiyey xeebta, sida jaakadha badbaadada, doomaha casriga ah ee dheeraya iyo mootooyinka badda ee loo yaqaano mooto iskaafo, kuwaas oo dalxiisayaasha geeya gudaha Badda, si ay halkaasi jawi fiican ugu soo qaataan.

Tropical Village Beach oo ah Hotel Weyn oo ka soo horjeeda Xeebta Abaay Dhaxan ayaa dhadhan iyo micno gaar ah u leh dalxiisayaasha, maaddaama uu yahay hotelka Qura ee ku yaalla Xeebta, kaas oo laga cunteeyo, wuxuuna saameeyaa oo keliya raashinka badda ee loo Yaqaan Sea Food.

Maxamed ibraahim waxa uu ka mid yahay dhallinyarada aan kula kulmay xeebta abay dhaxan, wuxuuna xusay in dalxiiskan uu xiiso gaar ah ku abuuray.

Waalidiinta iyo caruurtooda wada socda waxaa wehliya oo dalxiis u yimaada Abaay Dhaxan, Lamaanayaasha waqtigu mideeyey ee ku jira todobaadka malabka, iyo kuwo naawilaya in ay aqal galaan oo ku jira maalmahoodii haasaawaha.

Maxamed Cali Jiisow waa Milkiilaha Hotelka Tropical Village, iyo maalgeliyaha adeegyada xeebta ee muhiimka u noqday dalxiisayaasha, Maxamed oo ka mid ah qurba joogta ka timid Canada wuxuu sheegay in ay ballaarinayaan adeegyada ay ugu tala galeen dalxiisayaasha.

Bur burkii dalka kadib waxaa adkaatay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan goobo ay ku dalxiisaan, oo ay ku dhan yihiin adeegyadii ay u baahnaayeen, Hase ahaatee  xaaladda amni ee soo hagaageysa ayaa saamaxday in Bulshada Caasimadda ay u dalaxiis tagaan Xeebta Abaay dhaxan oo 20 Km u jirta Muqdisho, isla markaana ay dalxiisayaashu ku nagaadaan xeebta ilaa saqdii dhexe ee Habeenkii halkaasi oo fanaaniin loogu diyaariyey ay dadka ku maaweeliyaan, una tumaan heeso qaaci ah, si iyagoo maqsuud ah oo maalintooda dalxiis ku qanacsan ay guryahooda dib ugu noqdaan.

Exit mobile version