Friday, September 12

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay arrimo badan.

Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday arrimaha la xiriira masuq maasuqa ka jira hay’adaha kala duwan ee dowladda, wuxuuna digniin u diray dadka ku howlan masuqaasi.

Xasan Sheekh, wuxuu ku baaqay in lala xisaabtami doono dadka lagu qabto xatooyada qaranka, isagoo ka digay in dadkaasi la soo daba kaco oo qiil loo raadiyo.

Madaxweynaha wuxuu muwaadiniinta faray in aysan dhiira galin musuqa, isla markaana aysan bixin lacago laaluush ah, oo dheeraad ku ah adeega ay dowladda u qabaneyso.

Madaxweynuhu wuxuu si cad u ayiday qaraarkii ay ansixiyeen gollaha Wasiirrada ee looga hortagayey musuqa, wuxuuna xusay in la hogaansanaado qodobasa ku xusan qaraarkaasi.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa, baaq ugu diray umadda Soomaaliyeed, oo uu ka dalbaday in ay xaga dhaqaalaha ka taageeraan dowladda, oo iminka garab ka hesha dalal shisheeye.

Wuxuu Madaxweynuhu cod dheer ku sheegay in aysan sii socon doonin kaalmada uu caalamku siiyo Soomaaliya, taa baddelkeedna Soomaalida looga baahan yahay in ay isku tashtaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkan xoogga saartay ka hadalka arrimaha masuqa, waxaana la meel mariyey xeer qabanayo kuwa ku foogan masuqa, taas oo ah arrin hididiilo mudan.

Exit mobile version