Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saaray wada hadal dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya, xilli uu weli jiro damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu wada hadal dhex mari karo oo qura marka Itoobiya ka tanaasusho damaceeda waalan ee ay ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin laba dal oo daris ah, oo ay isaga xiran yihiin arrimo badan oo muhiim ah, oo la doonayo in ay si wadajir ah uga arrinsadaan.
Sidaas oo ay tahay Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku daray in arrimahaasi ay fuli karaan, marka Itoobiya ay qaado tallaabo ka duwan tan ay iminka ku dhaqaaqday.
Wuxuu Madaxweynuhu xusay in Itoobiya looga fadhiyo raalli galin, maaddaama ay ku soo xadgudubtay madax bannaanida Soomaaliya, taas oo ah arrin lama taabtaan ah.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aaddaya, xilli madaxda Itoobiya ay daneynayaan in ay kulan la yeeshaan Xasan Sheekh, balse weedhaha uu ku hadaaqay Madaxweynaha ayaa meesha ka saaraya qorshaha Itoobiya, waana tallaabo geesinimo leh oo ay shacabka badankiisu aad u soo dhaweeyeen.