Monday, September 15

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxyooyada soomaliya Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha mudada kooban dalka looga sifeynayo al shabaab ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Al Shabaab looga ciribtirayo deegaannada Galmudug,

Madaxweynaha ayaa marka uu safarkiisa soo dhameysto waxaa la sheegay inuu dib ugu soo laaban dhoono magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka galmudug halkaas oo uu ka soo wadi doono  hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Waa markii 4-aad ee Madaxweynaha Soomaaliya u safar ugu ambabaxo dalka Ereteriya tan iyo markii loo doortay hoggaanka dalka 15-kii bishii ee may ee sanadkii hore.

Ereteriya ayaa tababartay kumanaan ciidamo soomaaliyeed ah kuwaas oo qaarkood kal hore dib loogu soo celiyey gudaha dalka.

Exit mobile version