Saturday, September 13

Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa ka hadlay arrimo u badan, warmurtiyeedkii xalay ka soo baxay gollaha wadatashiga qaran.

Madaxweynaha oo ay dhiniciisa taagnaayeen Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Maamulk Goboleedyadii shirka ka qeyb galay, ayaa ku dheeraaday ka hadalka, hannaanka doorashooyinka qof iyo codka ah ee uu dalku u guuray

Xasan Sheekh ayaa tibaaxay in sanadka ay jirto dowladda uu hoggaamiyo ay xooga saartay arrimaha ammaanka, xoreynta dalka iyo deyn cafinta oo muhiim u ah horumarka dalka Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aan lagu gaaray in talada loo soo celiyo shacabka, oo ay rabitaankooda ku doortaan dadka matalaaya.

Xasan Sheekh ayaa carabka ku dhuftay in soomaaliya ay ku dhawdahay in laga cafiyo deymihii lagu lahaa, taas oo fursad dalka usiineysa in ay la macaamilaan dunida, isla markaana dalka la maalgashto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya  ay daashatay siyaasad jahwareer ku saleysan oo aan fadhin, isagoo soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in dalka la gaarsiiyo siyaasad degan, taas oo qorshihiisu yahay sida uu ka dhawaajiyey.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa xusay in la dhameystiri doono dastuurka qabyo qoraalka ah, wuxuuna dhanka kale xusay in heshiiskii xalay la gaaray dhaqan galintiisa ay qaadan doonto in muddo ah.

Exit mobile version