Thursday, September 11

Dowladda Soomaaliya ayaa ku qabanaysa Xarunta Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd  gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka si uu u guddoomiyo Shirkan.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galaya 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana lagu hadlayaa ajandeyaashan;

1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.

2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya.

3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

Exit mobile version