Thursday, September 11

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab, waxa uuna Madaxweynuhu xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka  islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Alshabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa  kulammo la qaadanaya masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda Hay’adaha caalamiga ah, waxa uuna xoogga saaraya sidii loogu heli lahaa  taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso  xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

DHAMMAAD

Exit mobile version