Thursday, September 11

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siis ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadijrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka.

Wada hadalka labada Madaxweyne ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah, maddaama la ogsoon yahay in Masar iyo Itoobiya uu ka dhex oogan yahay khilaaf dheer oo ku qotoma webiga Nile.

Dadka gorfeeya siyaasadda ayaa sheegaya in labada dhinac ay qaadi karaan tallaabo ka dhan ah Itoobiya, oo waqtigan ay u arkaan dal caqabad ku ah jiritaankooda dowladnimo.

Soomaaliya ayaa xilligan albaabada u fureysa cid kasta oo garab ku siin karta ka hortagida xad-gudubka ay Itoobiya ku dooneyso in ay ku qaadato dhul badeedka Soomaaliya.

Exit mobile version