Thursday, September 11

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa maanta khadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u hubsado xaaladdiisa caafimaad, kadib qarax dhawaan lagu beegsaday kolonyadiisa.

Madaxweyne El-Sisi ayaa muujiyay sida ay Masar uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Afhayeenka Madaxweynaha Masar, Danjire Maxamed El-Shenawy, ayaa sheegay in Masar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagaxisada.

Hadalka labada masuul ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto dadaal ku aadan sidii Al Shabaab dalka looga saari lahaa, waxaana waqtigan ahmiyad gaar ah ku fadhisa taageerada Masar, maaddaama ciidamada Masaarida ay qeyb ka yihiin Howlgalka AUSOM.

Exit mobile version