Monday, September 15

Ra’isulwasaare ku Xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA.

Sanadkii hore bishii Agoosta ayey dowladda Soomaaliya dib u hawlgalisay Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed si dalka looga badbaadiyo macluul iyo abaaro baahsan oo dalka markaa ka jiray, hawlgalinta ka dib Gudoonka hay’adda SoDMA Mudane Maxamud Macallim Cabdulle iyo guud ahaan hawl wadeennada kala duwan ayaa isku hawlay ka hortagga iyo yaraynta qatarihii kala duwnaa ee Dalka soo wajahay ee arimaha macluusha, abaaraha iyo fatahaadaha.

Xarig jarkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim, Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed iyo Wakilo ka socday Beesha Caalamka.

Exit mobile version