Sunday, September 14

Laba fatahaad oo uu Wabiga Shabeelle gugii iyo dayrti sannadkaan sii dhamanaya ee 2023-ka ka geystay magaalada Baladweyne ayaa sababay barakac iyo burbur xoog leh, oo soo gaaray bulshada magaalada.

Meelaha ay fatahaadaas saameeyeen waxaa ka mid ah dhanka tacliinta. Iskuullada ayaase dhawaan dib loo furay, hase yeeshee waxaa wali maqan qaar badan oo ka mid ah ardayda iskuullada kala duwan ee Beledweyne.

Inta badan waxbarashada ubadka magaalada Baladweyne ayaa hakad gasha, sababo la xiriira fatahaada sida joogtada ah u saameysa magaaladaasi.

Madaxda Waxbarashada maamulka Hirshabelle ayaa ugu baaqay ardayda Baladweyne ee weli ku maqan barakaca in ay ku soo laabtaan waxbarashadooda, si ay u qaataan daruusta kala duwan ee manhajka dalka, kaas oo si mideysan imtixaankiisa ay u qaado dowladda Soomaaliya.

Exit mobile version