Friday, September 12

(Hortabin Media) – Sida ay sheegeen guddiga ka warqabka dadka la nool  AIDS- ka, waxaa la kordhiyey xarumaha gudaha dalka ee laga qaato dawooyinka kaalmaatiga ah ee xanuunka HIV-AIDS-ka.

Sida ay tilmaameen masuuliyiin ka socda wasaarada caafimaadka, waxaa dhamaan maamullada dalka laga furay xarumo dadka xanuunka la nool siiya dawooyin kaabaya difaaca jirkooda.

Xarumahan ayaa gaaray 22 xarumood, waxaana laga hirgaliyey marka laga soo tago gobolka Banaadir, dhamaan dowlad goboleedyada, oo ay ku jirto maamulka gooni isu-taaga ku dhawaaqay ee Somaliland.

Dawooyinkan waxaa xarumahan ka qaata dad tiradooda lagu sheegay 4-Kun, kuwaas oo ka mid ah, 7-kun ee la nool xanuunkan ee ku sugan gudaha dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ay dhibaatada badan ku qabaan dadka la nool xanuunka AIDS-ka, waxeyna si joogto ah ula kulmaan tacadiyo ay ka mid yihiin faquuq, mana helaan xuquuqdoodii aas aasiga ahayd. 

Exit mobile version