Friday, September 12

Dhaqaatiirta Indhaha ee Muqdisho ayaa sheegay in toddobaadyadii ugu danbeeyey caasimada ay ku soo badanayeen  bukaanada qaba cudurka daafka kaas oo ah xanuun ku dhaca indhaha, si dhaqsi ahna ugu faafa meelaha ay bulshadu ku badan tahay.

Cudurkan oo ah kuwa safmarka ah, ayaa maalimihii ugu danbeeyey dhibaato ba’an ku hayey bulshada Soomaaliyeed, waxaana dhaqaatiirtu ay ku talinayaan in qofka isku arka xanuunkan uu la xariiro xarunta caafimaad ee ugu dhaw, si loola tacaalo xaaladiisa.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in xanuunkan uu yimaado xiligan kuleylaha, waxaana qof uu asiibo uu hayaa muddo toddobaad ah, wuxuuna mararka qaar halis baaxad weyn gaarsiin karaa araga qofka.

Bahda Caafimaad ee ku taqasustay indhaha, ayaa sheegaya in xanuunkan ay u nugul yihiin caruurta iyo dadka da’da ah, kuwaas oo uu yar yahay difaaca jirkooda.

Exit mobile version