Waxaa aad u badanaya xanuunada laga qaado goobaha lagu daweeyo ama lagu qurxiyo ilkaha ee loo yaqaan dental-ka, iyadoo la diiwaan galiyey tiro dad ah oo dhibanayaal u ah xarrumahaasi.
Goobaha lagu lagu daweeyo ilkaha ayaa ku soo badanayey gudaha Soomaaliya, 5-tii sano ee ugu danbeysay, waxana taas ku lamaan in ay isi soo tarayaan xanuunada kala duwan ee xarrumahaasi ka qaadaan bukaanada dawada doontay.
Xanuunada qaarkood oo halis ah ayaa waxaa ka mid ah Cudurka HIV AIDS-ka, waxana jira tiro dad ah oo laga helayo xanuunkaasi, kadibna markii la baaray la ogaaday inuu uga yimid xarrumaha ilkaha daweeya.
Bukaanada dawada u doonta qaarkood, ayaa xanuunada kale ee ay dhaxlaan waxaa ka mid ah cirid dhiiga iyo af urka, waxaana loo sababeynayaa nadaafad darrada ka jirta xarrumaha ilkaha.
Xarrumahan oo ay badankooda furteen dhallinyaro aan aqoon durugsan u lahayn muhiimada howsha ay hayaan, ayaa bukaanada u yimaada ku daaweeya qalab isku mid ah, taasoo sababeysa in dadku ay kala qaadaan xanuunada.
Dhaqaatiirta ayaa ku tallineysa in biyo diiran lagu meyro qalabka, marka qof loogu adeego, ka hor inta aan kan kale loogu shaqeyn, waana tallaabada ugu haboon ee ay uga hortagi karaan in dadka ay kala qaadaan xanuunada.
Bahda caafimaadka qaarkood ayaa sheegaya in goobaha dental-ka ay ka qeyb qaadanayaan faafinta xanuuno halis ah, waxana bilawgii bishan xuska maalinta HIV AIDS-ka adduunka, lagu soo bandhigay kuwa xanuunka la nool, oo ka qaaday meelaha ilkaha lagu qurxiyo.
Dhallinyarada xarrumahaasi furtay qaarkood oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in aanay isku mid ahayn nadaafada goobaha ilkaha lagu daweeyo ee dental-ka, iyagoo soo jeediyey in aan la wada eedeynin, isla markaana tallaabo laga qaado xarruntii waxyeelaysa caafimaadka ruuxa dawada u soo doontay.