Sunday, September 14

Xilligan waxaa xal loo raadinayaa khilaafka ba’an ee ka dhex aloosan maamulka Puntland iyo dowladda dhexe, kaas oo mudooyinkii ugu danbeeyey soo jiitamayey.

Khilaafkan oo saameeyey wada shaqeyntii ay lahaayeen dowlada dhexe iyo maamul goboleedka Puntland, ayaa waqtigan walaac laga muujinayaa sidii lagu hagaajin lahaa xiriirkooda.

Qubarada ku aqoonta u leh hannaan dowladnimada Soomaaliya, ayaa sheegaya in waqtigan ay adag tahay in xal loo helo khilaafkaasi sababo kala duwan awgood.

Waxey sheegeen qubaradu in dhinacyada ay ku kala fog yihiin dhanka aragtida, taas oo carqalad ku noqoneysaa in xal la gaaro.

Waxaa kaloo caqabad noqonaya mowqifka uu taagan yahay hoggaanka Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni, kaas oo kalsoonida kala laabtay dowladda kadib markii uu ku hungoobay in loo fuliyo arrimo hore loogu ballan qaaday.

Saciid Deni ayaa ololihii doorashada taageero weyn u fidiyey Madaxweynaha xafiiska jooga, waxaana lagu waday in Ra’iisul wasaaraha uu ku imaado rabitaankiisa, hase ahaatee taasi ma dhicin.

Qubarada ayaa sheegaya in xalka uu imaan karo oo keliya kolkii dowladda dhexe ay sameysay tanaasul ku aaddan arrimaha ay dhinacyadu isku hayaan, taas oo adag iyadana in ay suuragasho.

Exit mobile version