Caasimada Itoobiya ee Addis Ababa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay shir ay isugu yimaadeen dhallinyarada iyo odayaasha labada deegaan ee Soomaalida iyo Cafarta, kuwaas oo horey uu dagaal uga dhex dhacay, waxaana shirkan uu qeyb ka yahay kulamo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada.
Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda nabadda ee Itoobiya, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dhaqan-gelin lahaa heshiisyadii horey ay u gaareen madaxweynayaasha labada deegaan, kuwaas oo loogu talagalay in lagu soo afjaro colaadda.
Sida ay warbaahinta la wadaageen Odayaasha Soomaalida ee ka qayb galay shirka ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ay tahay ka hortagga dagaallo kale iyo xoojinta is-afgaradka labada qoomiyadood.
Deegaannada Cafarta iyo Soomaalida oo xuduud wadaaga ayaa muddooyinkii la soo dhaafay la daalaa-dhacayay dagaallo soo noq-noqday, kuwaas oo ilaa hadda aan xal waara loo helin.
Colaadda u dhexeysa labada deegaan ee Soomaalida iyo Cafarta ayaa salka ku haysa muran dhuleed, balse heshiiskan horu-dhaca ah ayaanan la saadaalin karin natiijada ka soo bixi doonta, wallow odayaasha labada dhinac ay ku baaqayaan in heshiiskan aan lagu xad-gudbin.