Sunday, September 14

Xal wanaagsan ayaa laga gaaray dagaal beeleedkii beelaha walaalaha ku dhex marayey Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sida waxgaradku sheegeen waxaa iminka hirgashay xabad joojin la dhex dhigay beelihii ku dagaallamayey inta u dhaxeysa Raaga-ceelle iyo Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa dhawaan is hor fadhiisan doona dhinacyadii is hayey, si xal waara loogu helo colaadan oo ah mid soo noq noqotay.

Siyaasiyiinta ka qeyb qaatay qaboojinta xiisadan waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo xildhibaano ka soo kala jeeda beelaha is haya.

Exit mobile version