Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose ayaa ku guuleystay in ay kala dhex galaan Maleeshiyo beeleed ku dagaalamay degaan 30 kiilo mitir dhinaca waqooyi uga aadan degmadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Dagmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/ Hoose Maxamed Muqtaar Gacma Dheere oo ka hadlayay dagaal beeleedka ka dhacay deegaan hoos yimaada deggmadaasi ayaa sheegay in ay gaareen goobta ay wax ka dheceen, isla markaasna khilaafka laga gaaray xal waara.
Gudoomiyaha ayaa Sidoo kale sheegay, in gogol nabadeed oo lagu Heshiisiinayo Beelaha dagaalamay loo dhigi doono si loo xoojiyo heshiiska xabad joojinta.
Beelaha ku dagaalamay Waqooyiga degmada Wanlaweyn ee gobolka shabeelada Hoose ayaa isku heysta Dhul beereed dagaalkaas oo ilaa hadda wax xal ah aan laga gaarin.