Friday, September 12

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda ay ku sugan tahay weriye Bishaar Cali Baande, taas oo tan iyo todobaadkii hore ku jirta xabsi ku yaalla Hargeysa.

Maamulka Somaliland ayaa gabadhan weriyaha ah ku eedeeyey aflagaado ay u geysatay Madaxweynaha Somaliland, taas oo ka fog xaqiiqda lagu heysto.

Bishaaro, ayaa barta ay Faceboogga ku leedahay, ku qortay qoraal ay ku cabireysay aragtideeda siysaadeed ee ku aaddan xaaladaha ka jirta Somaliland, waana tan soo de dejisay xarigeeda.

Iminka waxa ay qaabileysaa waayo adag, iyadoo ka soontay raashinka, waxaana laga hor istaagay ehelkeeda in ay booqasho ugu tagaan gabadhan weriyaha ah ee xiran.

Somaliland ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay noqotay meel ay adag tahay in ay ku shaqeeyaan warbaahinta xorta ah, waxaana tacadiyo joogto ah la kulma warfidiyeenada ku sugan deegaanada uu Maamulku ka arrimiyo.

WQ: Ayaanle Qoyste.

Exit mobile version