Waqtigan Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa taagan meel halis ah, waxaana muddo xileedka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ka dhiman muddo 12-casho ah, welina ma muuqato ififaalo ay doorashooyin ku qabsoomi karaan.
Dowladda waa mid ay ka go’tahay in ay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah, waxaana dastuurkii dhawaan la ansixiyey uu saamaxayaa in waqti dheeri ah ay helaan hay’adaha dowladda, oo goor horeba waqtigoodii sharciga ahaa uu idlaaday.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dareensan culeyska uga imaanaya mucaaridka, wuxuu ku casuumay 10-ka bishan May Shir ay madaxtooyada soo qaban qaabisay, balse lama ogga in mucaaridku ay diyaar u yihii ka qeyb galka shirkaasi.
Sida ay Madaxtooyadu sheegtay shirkaasi ayaa lagu lafaguri doonaa arrimaha masiiriga ee dalka sida doorashooyinka iyo dastuurka muranka badan dhaliyey.
Hase ahaatee mucaaridka qaarkood ayaa durba iska diiday ka qeyb galka shirkaasi, iyagoo ku tilmaamay jahwareerin iyo dib u dhac hor leh, waxeyna Madaxweynaha ku tilmaameen nin xusul duub ugu jira meel marinta aragtidiisa, taas oo diideysa in ka daadegto aarada ay wataan.
Badi Mucaaridku waxey sheegeen in kulankaasi aanu waxba ka duwaneyn kuwii hore Madaxtooyada ay ula yeesheen, kuwaa oo dhamaantood ku soo idlaaday natiijo la’aan.
Sida xoguhu sheegayaan Mucaaridka waxaa ka go’an in Madaxweynaha aysan la kulmin ilaa laga gaarayo 15-ka may, xiligaas oo ay iyaga iyo taageerayaashooda ay qabanayaan dibad bax ballaaran oo ka dhan ah Dowlada uu majaraha u hayo Xasan Sheekh.
Qubarada Siyaasada falanqeysa ayaa sheegeysa in caddaadiska Madaxweynaha uga imaanaya beesha Caalamka ay ku qasabtay ku dhawaaqista shirka 10 may uu iclaamiyey, balse dhankiisa aysan daacad ka ahayn inuu ka tanaasulo qorshayaashii uu hore u degsaday, taas oo ay mucaaridka ka dharagsan yihiin.
Si kastaba Qeylo dhaanta joogtada ah ee Mucaaridka iyo dabacsanaan la’aanta madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa wal wal ku abuureysa shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka cabsi qaba in xaaladdan ay dalka u horseedo marxalad hubanti la’aan ah oo qal qal galiso amniga kooban ee iminka lagu naaloonayo.

