Friday, September 12

Waxaa maanta degan xaaladda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kadib dagaallo xooggan oo xalay halkaasi ka dhacay.

Dagaalkii xalay ayaa ku billawday weerar madaafiic ah oo ay soo qaadeen ciidamada Somaliland, iyagoo iska caabin kala kulmay Ciidamada SSC ee ku sugan Laascaanood.

Dhinacyada ayaa intii uu dagaalka socday isku adeegsaday, hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalku uu qaatay saacado badan.

Ilaa iyo iminka lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay dagaalkii xalay dhacay.

Xaaladda ayaa maanta degan, wallow la dareemayo xiisad, taas oo macquul ka dhigi karta in xilli walba uu dagaalku dib u billawdo.

Dagaalkan ayaa god dheer ku ridaya rajadii ay Somaliland ka lahayd soo celinta bulshada reer Laascaanood, kuwaas oo tabasho badan qabay sanadihii ugu danbeeyey.

Laascaanood kal hore waxaa gabi ahaanba ka barakacay dadkii halkaasi ku noolaa, sababo la xiriira colaada daba dheeraatay ee ka taagan, lamana ogga waqtiga uu xaalku is baddeli doono.

Exit mobile version