Saturday, September 13

Waxaa sii adkaaneysa xaaladda adag ee ka taagan Maamulka Hirshabelle, taas oo ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyey Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Cali Jeyte Cismaan oo ka soo horjeestay xil ka qaadistiisa, isla markaana ku dhawaaqay maamul cusub oo la magac baxay Hiiraan State, ayaa tilmaamay in loo doortay Madaxweynaha maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in lagu doortay cod gacan taag ah, waxaana sida uu sheegay ku xigeenna loo doortay Axmed Inji oo horey usoo noqday Gudoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte, ayaa xusay in maamulkooda uu ka madax bannaan yahay kan Hirshabelle, isagoo ka biyo diiday inuu wada hadal la furo madaxda Hirshabelle.

Arrintan ayaa sii adkeyneysa xaaladda Hirshabelle, halkaas oo ay iminka ka wada shaqeynayaan labo maamul oo is diidan, ilaa iyo iminkana madaxda dowladda dhexe si toos ah uguma dhaba galin xalinta khilaafka taagan.

Exit mobile version